Rag Waxyaabo Qarxo Sitay Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Rag Waxyaabo Qarxo Sitay Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo baraawe

Afgooye ( Mareeg)-Sida uu  xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Max’ed Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa manta gudaha degmadaasi waxa ay ku dileen nin sitay walxaha qarxa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ninka la dilay oo waxyaabo qarxo watay uu ku tala jiray beegsiga dad ka howlgala degmada Afgooye kuwaas oo u shaqeeya hay’adaha samafalka.

Sidoo kale Mr Cali Nuure ayaa xaqiijiyay in xalay Ciidamada ammaanka isla degmada Afgooye ay gacanta ku dhigeen nin isna boorso waxyaabo qarxo ku sita kaas oo sida uu sheegay iminka baaritaanno ay ku socdaan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay muddooyinkii dambe ka wadeen dhammaan deegaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka maamusho gobolka Shabeelaha Hoose howlgallo nabad gelyada deegaanadaasi sare loogu qaadayo.

Si kastaba Ciidamada ammaanka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wada howlgallo iyo qorshayaal  ku saleysan xaqiijinta ammaanka Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

                                                                 Baraawe

 

Abaaro 3:30-4:00 Am ee xalay inta u dhexeysay ayaa la sheegay in Nin doonayay in uu weeraro xarunta maamulka degmada Baraawe iyo guriga guddoomiyaha degmadaasi ay toogteen Ciidamada ilaalada xarunta maamulka degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre ayaa  sheegay in ninka la toogtay ay ku arkeen bambaanooyin uu sitay iyo waxyaabo kale oo uu isticmaali rabay qarax Miino oo uu ku xiro goobahaasi uu weerari rabay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xafiiskiisa uu qarax ka dhacay guddoomiyaha maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Max’ed Jeex , qaraxaas oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!