Boqolaal Soomaali ah ayaa isugu soo baxay oobta uu falka ka dhacay waxaana ay aad uga xumaadeen dhacdada naxdinta leh ee ka dhex dhacday Soomaalida ku nool deegaankaasi. iyagoo qaarkood ilmeynayeen maadaama muwaadiniinta geeriyooday ay ahaayeen rag aad looga qadariyo deegaankaasi oo ay Soomaalida ku nooshahay.
Odoyaal iyo culimada Soomaalida oo goobta kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa xusay in dhacdadani ay tahay musiibo ku dhacday Soomaalida, waxaana ay ugu baaqeen in xaalada la dajiyo, islamarkaana bulshada aan loo kala qaadin warar abuuri kara colaad dhax marta dad walaalo ah.
Muwaadiinta Soomaalida ee ku dhintay toogashada ayaa lagu kala magacaabi jiray C/wahaab Nusliiro, Cabdi madoobe iyo Maxamed Xasan Maxamed, kuwaasoo la filayaa in maanta salaada duhur kadib lagu aaso qabuuraha Muslimiinta magaalada Cape Town.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.