Minneapolis: Nin Soomaali ah oo ku noolaa gobolka Minnesota ee ay aad u degto Soomaalida dalka Mareykanka, laguna magacaabi jiray Cabdicasiis Yuusuf Jaamac ayaa la dilay mid kalena waa la dhaawacay kadib markii koox hubeysan ay ku furtay rasaas gaari ay la socdeen.
Dilkaan ninkaas waxaa xaqiijiyey Axmed Yuusuf Jaamac oo la dhashay Cabdicasiis kadib wareysi uu siiyey laanta af-Soomaaliga ee VOA.
Waxaa la sheegay in qofka kale ee rasaasta lagu dhaawacay uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana uu haatan ku jiro xaalad miyir-beel ah.
Booliiska ayaa sheegay inaysan cidna u soo qaban weerarka, waxaana dilkaasi noqonayaa kii 4-aad ee sanadkan dad Soomaali ahaa loogu gaystay Minnesota.
Mareeg.com