Nin Soomaali ah oo la sheegay in uu watay Lacago Been Abuur ah oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin Soomaali ah oo la sheegay in uu watay Lacago Been Abuur ah oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha…

Nin Soomaali ah balse heesta Dhalashada dalka Norwey iyo nin kale oo Suudaaniis ah lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta iyaga oo wata lacago been abuur ah.

Maamulka Canshuuraha u qaabilsan Garoonka Diyaaradaa Jomo Kenyatta ayaa sheegay in khamiistii lasoo dhaafay labo nin oo midkood Soomaali yahay lagu qabtay garoonka iyaga oo wata lacago badan oo EURO ah kuwaa oo lagu sheegay inay yihiin faalso ama been abuur.

Wargeyska The Standard ayaa sheegay in Ninka asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta dhalashada dalka Norwey lagu magacaabo Abdi Osman, waxaa sidoo kale ninka Suudaaneska magaciisa lagu sheegay Mohamed Hassan Al-dahir Al-Hassa.

Ragan ayaa la sheegay in lacagta lagu qabtay ay u wadeen dhinaca dalka Isutaga Imaaradaka Carabta, waxaana lacagtan lagu soo qariyay saraawiil lagu riday boorsooyin ay wateen labadan nin xili ay ka dhoofayeen garoonka Jomo Kenyatta.

Madaxa Canshuuraha iyo Kontoroolka Xuduudaha ee dalka Kenya, Julius Musyoki ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan ragan lacagaha been bauurka kala dhoofayay garoonka, waxa uuna tilmaamay in ay qabteen 25 Xirmo oo Saraawiil ah ka heleen 178 Lacag Warqad ah , oo midiiba tahay 500 Euro.

Labadan nin ee lagu xiray garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa sidoo kale waxaa u jarnaa tikit ay ku imaana lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana ragan hada ku socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliiska magaalada Nairobi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!