Nin Soomaali Ah Oo Ku Guuleystay Kursi Ka Mid Ah Golaha Deegaanka Minneapolis, Minnesota,

Minneapolis – (Mareeg.com): Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay kursi ka mid ah kuraasta dowladda Hoose (City Council) ee Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Doorashada golaha deegaanka dalka Mareykana ayaa talaado ah ka dhacaday dalkaas, waxaana dadkii tartamay ka mid ahaa ilaa 9 Soomaali ah oo 5 ka mid ka tartamayeen gobolka Minnesota .

Cabdi Warsame ayaa noqonaya gudoomiayaha xaafaddala 6-aad ee magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalka Mareykanka tartan dheer kadib.

Abdi Warsame oo dareenkiisa cabiray kadib markii uu guul weyn ka gaaray doorashada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guusha uu gaaray.

“Anigu waxaan ahay Mareykan ku faraxsan inuu Soomaali yahay, halkani waa saldhigeyga, waana ku faanayaa” ayuu yiri Abdi Warsame oo dad cadaan iyo madow ah kula hadlay Tiyaatar ku yaalla magaalada Minneapolis.

Abdi Warsame ayaa sheegay inuu matalaayo dhamaan dad kala duwan ee ku nool degaanka uu kursigiisa kusoo baxay.

Warsame ayaa heyal 3090 oo u dhiganta 64% codadkii la bixiyey, wuxuuna ka adkaaday nin lagu magacaabo Robert Lilligren oo helay 1557cod, islamarkaana 12 xubin ka ahaa Council-ka Minnesota .

Warsame, waa 35 jir, wuxuu Somalia ka tegay isagoo caruur ah, wuxuuna inbadan ku noolaa England, hase ahaaatee wuxuu magaalada Minneapolis ee Mareykanka u guuray sanadkii 2006.

Mareeg.com