Nin soo xirtay dharka Dumarka oo lagu qabtay Muqdisho

Read Time:40 Second

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir waxa ay kusoo qabtay Nin laga shakiyey oo xirnaa dharka Dumarka.

Ka hor soo qabashada Ninkaas ayaa la sheegay in dadka ku nool Aaga Iskuul Godey ee degmada Kaaraan ay ruuxaasi ka shakiyeen, isla markaana ay ciidamada ku wargeliyeen, sidaasina ay ciidamadu ku qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan waxa ay ku sameeyeen Ninkaasi xirnaa dharka dumar,waxaana saraakiil dhinaca ammaanka ah ay Idaacadda Risaala ee Muqdisho u sheegeen in baaritaan kadib laga waayay wax hub ah laguna wareejiyey Hay’adaha kale ee Amniga.

Howlgalkaan xalay laga sameeyey xaafada ka tirsan degmada Kaaraan laguna soo qabtay Nin soo xirtay dharka Dumarka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %