Nin sheegtay sarkaal Alshabaab oo isu dhiibay DFS

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Nin dhallinyaro ah oo sheegay inuu ahaa sargaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa isu dhiibay ciidamada Milatariga gobolka Bakool, halkaasoo ah deegaanka uu kasoo jeedo.

Sargaalkaan oo lagu magacaabo  Maxamed Cali Xasan oo ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab ayaa tilmaamay in uu ka howlgali jiray gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Afgooye, Lafoole, Ceelasha biyaha iyo Baraawe.

Maxamed Cali Xasan oo u warramay Radio KNN ayaa intaa ku daray in dadkii uu weeraray uu ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo Mas’uuliyiin kale.

Wuxuu sheegay inuu weeraro ka fuliyey deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan halka loo yaqaano Shanta.

Sargaalka ayaa sheegay in uu hadda uu go’aansaday inuu siaga baxo Alshabaab, islamarkaana uu iska dhiibo gobolka uu kasoo jeedo ee Bakool.

Col. C/raxmaan Timacadde oo ah taliyaha milateriga Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa isaguna sheegay in ninkaas ay ku hayaan degmada Xudur.

Col. Timacadde ayaa sheegay in ninkaasi uu iska dhex joogay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana aysan ka warheyn ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.