Nin meydkiisa laga helay goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Xamarweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin meydkiisa laga helay goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Xamarweyne

Mareeg.com: Waxaa maanta degmada Xamarweyne laga helay meydka nin ganacsade ah oo lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Xamarweyne ee magaalada Mqudisho.

Ninkaan oo la oran jiray Aadan Xuseen Abaadir lana waayey Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa dilay koox aan heybtooda la garan, waxeyna ku qariyeen gudah goobtii uu ku ganacsanayey, iyagoo dul saaray jawaano iyo alaabooyin kale.

Odayga, ayaa waxaa la rumeysan yahay in lagu dilay toorey maalintii Isniinta, waxaana meydkiisii la dhex dhigay dukaankiisa ganacsiga, iyadoo dusha laga saaray baakado iyo jawaano.

Sayid Cali Aadan Xuseen oo ah uu dhalay marxuumka la dilay, ayaa sheegay iney muddo 3 maalmood ah ay Magaalada Muqdisho ka wadeen baadi-goob ay ku raadinayeen aabihii, bacdamaa looga baran in hoygiisa uu ka maqnaado, xilliyada habeenkii ah.

Xoghayaha Maamulka Degmada Xamar Weyne Maxamed Xersi, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan, inay ku soo qabtaan raggii dilka geystay.

Maxamed Xersi ayaa sheegay in la xiray dhowr qof oo laga shakiyey, kuwaasoo qaarkood ku sugnaayeen goono ganacsi oo deris ah la ah marxuumka la dilay.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!