Nin Mareykanku aad baadi goobayey oo la sheegay inuu xiran yahay Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin Mareykanku aad baadi goobayey oo la sheegay inuu xiran yahay Soomaaliya

Mareeg.com: Ilo wareedyo laga helay FB-da Mareykankan ayaa sheegaya in nin Soomaal-Mareykan ah oo ay muddo raadinayeen, islamarkaana ay dul dhigeen lacag la siinayo qof meel kusoo sheega lagu qabtay gudaha Soomaaliya.

Muwaadinkaan oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Xaaji Maxamed, oo 29 jir ah ayaa dhamaadkii bishii January waxaa lagu diray liiska Mareykanka uu doondoonayo.

Liibaan oo wade Taxi ka ahaa dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu qalab ku taageeray Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu dhalinyarada u qori jiray Alshabaab si ay kaga soo tagaan dalka Mareykanka.

Markii FBI-da ay ku dareysay liiska waxa loogu yeero argagixisada waxaa la sheegay in Liibaan Xaaji uu qorsheynayay inuu weeraro ka geysto meel kamid ah dhulka Mareykanka, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay socdaan baaritaano kale.

FBI-da ayaa horay madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan $50,000 oo doolar oo la siin doono qof kasta oo soo sheego warbixin la xiriirta Liibaan Xaaji Maxamed.

Masuuliyiinta dowlada Mareykanka ayaa sameynaya dadaalo Liibaan Xaaji dib loogu celinayo gobolka Virginia ee Mareykanka, laakiin waxaa la sheegayaa inay jiraan caqabado dhanka diblumaasiyada iyo xiriirka dhanka dibada ee dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka.

Marka laga soot ago sheegashada saraakiisha Mareykanka in Liibaan ku xiran yahay xabsi hoos yimaadda dowlada Soomaaliya, haddana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada federaalka ah oo ay ku xaqiijinayaan arintaasi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.