Nin loo heysto weerar ka dhacay Gaalkacyo oo la maxkamadeeyey

Read Time:58 Second

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeysay dacwad loo heysto Nin lagu eedeeyey  weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Cilmi Yare.

Ninka Maxkamadeyntiisa la soo geba-gabeeyo oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ay keentay Afar markhaatiyaal, iyada oo  sheegtay in ay hayaan cadeymaha in uu weerarkaas ku lug lahaa,sidoo kalena uu qirtay.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaabta dambiga uu galay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aan ay kasoo saari doonaan.

26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 ayaa rag hubeysnaa oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab waxaa weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Xarunta uu maamulaha ka ahaa wadaad Caan ka ahaa Magaalada gaalkacyo oo lagu Magacaabo jiray Sheekh Cabduweli Cilmi Yare,waxaana weerarkaas ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta,isla markaana uu ku jiro Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %