Nin la dhashay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo xalay lagu dhaawacay Muqdisho

Read Time:30 Second

Mareeg.com: C/llaahi Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud oo la dhashay madaxweynihii dowladda KMG aheyd ugu dambeysay, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay lagu dhaawacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ninkaan oo u shaqeynayey mid ka mid hay’adaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho, waxaa gurigiisa ku weeraray koox hubeysan oo dhowr xabadooda la dhacay.

Dhaawaca C/llaahi Sheekh Axmed ayaa la dhigay Isbitaal Turkigu ku leeyahay Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Lama oga in sababta loo beegsaday tahay hay’adda uu ka shaqeynayey inuu walaal la yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %