Nin isku daldalay deegaanka Baxdo gobolka Galgaduud

Mareeg.com: Aabe dhalay 13 carrur ah ayaa shalay isku daldalay deeganka Baxdo ee ka tirsan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

C/llaahi Macallin Axmed oo ka tirsan dadka deegaanka Baxdo ayaa warbaahinta u sheegay in ninka is daldalay la oran jiray Xuseen Xaashi Iidle.

Wuxuu sheegay C/llaahi Macallin Axmed in sababta uu ninkaasi isu daldalay loo badinayo arrimo ka dhashay duruufo dhaqaale oo heystay.

“Ninkaas is daldalay waxaa la oran jiray Xuseen Xaashi Iidle, wuxuuna ka tegay 13 carruur ah, waxaana loo maleynaa inuu isu dalalay duruufo dhaqaale” ayuu yiri C/llaahi Macallin.

Sidoo kale, C/llaahi ayaa sheegay in ninkaasi deegaanka Baxdo uga shaqeysan jira gaari dameer, hase ahaatee ay haataan shaqo xumo soo wajahday.

“Ninkaasi wuxuu ka shaqeysan jiray gaari dameer, marka shaqadii ayaa iska xumaatay, kadib wuxuu taageero ka codsaday ilmo adeertiisa oo ah kuwa iska ladan, markii wax ka waayana wuux is daldalay” ayuu sidoo kale yiri C/llaahi Macallin Axmed.

Arrintaan ayaa noqotay mid ay ka naxeen dadka deegaanka, iyadoo arrintaas oo kale aan looga baran deegaanka falkaasi ka dhacay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245