Baydhabo – (Mareeg.com): Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunay oo 23 KM dhanka bari kaga beegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay galab nin hubeysanaa uu deegaankaasi ku dilay qoys ka koobanaa shan qof.
Ninka dilka gaystay ayaa sida la sheegay weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, wuxuu bilaabay inuu tooogasho ugu dhaqaaqo dadkii guriga ku jiray waxaana goobta ku nafwayday 4ruux halka mid shanaadne uu u geeryooday dhaawicii soo gaaray.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaanka Daynuunay ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale nin ehel la ahaa qoyska galabta lagu dilay deegaanka Daynuunay ayaa lagu dilay isla deegaankaasi.
Si rasmi ah loo oga sababta uu ninkani u dilay qoyska iyo cidda kale oo ka dambaysey dilka nin ehelka la ahaa qoyska ee caawa lagu dilay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.