Nin Dharka Dumarka xiran oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

Read Time:38 Second

Muqdisho ( Mareeg.com)-Isagoo u warramayay Warbaahinta Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayuu sheegay in ay qabteen Nin isku soo ekeysiiyay Dumarka kaas oo ay ka qabteen sida uu sheegay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xusay in ay baarayaan waxa ku xambaaray Ninkaan in uu ku dhaqaaqo arrintaan isagoo carabka ku dhuftay in tani ay qeyb ka tahay qorshayaasha Al Shabaab ay falalka ammaan darri ku fuliyaan.

Ninka la qabtay ayaa Magaciisa lagu sheegay Axmed Yaasiin Axmed kaas oo la tilmaamay in Muuqaal ahaan uu yahay Nin dhalinyaro ah.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa ku nuux nuuxsaday in qorshayaashaas iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin in gar Fake ah la deysto ay ka daba tagayaan kuwaas oo dhamaan uu sheegay in ammaanka lagu qal qal gelinaayo.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.