Nin Darawal ka ahaa Bajaaj oo caawa Muqdisho lagu dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Read Time:48 Second

Mareeg.com-Nin la sheegay inuu ka mid ahaa darawaliinta ku xamaasha Mootooyinka bajaajka ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Dilkan oo ka dhacay wadada Taleex ee degmada Hodan ayaa yimid ka dib markii askariga oo ka mid ahaa ciidamada amaanka iyo darawalkan uu soo dhex galay muran aan la ogeyn waxaa uu salka ku hayey taasoo keentay in darawalka lagu furo rasaas.

Askariga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana isla goobtii ku naf baxay ninka darawalka ahaa oo la toogtay, iyadoo la arkayey mootadii uu watay oo dhiig badan uu dhex yaallo.

Waa darawalkii labaad ee ka mid ah kuwa bajaajta oo muddo 48 saacadood gudahood ah ciidamada dowladu ku dilaan Magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeyey kuwo iyaga la mid ah oo horey siyaabo kala duwan magaalada loogu dilay.

Ciidamada amaanka ayaa baadi goobaya askariga caawa dilka ka geystay degmada Hodan, waxaana lala yaaban yahay sababaha soo celceliya dilalka ciidamada dowladu u geystaan darawalada Mooto bajaajka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %