Nin dad shacab ah ku rasaaseeyay duleedka Jowhar o gacanta lagu dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin dad shacab ah ku rasaaseeyay duleedka Jowhar o gacanta lagu dhigay

Jowhar ( Mareeg)-Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu rasaaseyay Gaari dad rakaab ah ay la socdeen oo marayay duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Inta la ogyahay 1 qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmen rasaasta uu ku furay gaariga Ninka Hubeysnaa iyadoona Ciidamada ammaanka ay qabteen Ninkaas sida uu Shabelle u xaqiijiyay Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Jowhar Geelle Isaaq Warsame.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in iminka ninkaas hubeysan uu ku jiro Saldhig Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe islamarkaana sharciga la horgeyn  doono.

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ayaa dhinaca kale Howl gallo ka sameeyay xaafadaha Magaaladaas oo ay ku soo qab qabteen tiro dad ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.