Nin Baxsad Ahaa Oo Garoonka Aadan Cadde Lagu Qabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nin Baxsad Ahaa Oo Garoonka Aadan Cadde Lagu Qabtay

Ciidanka Booliska Soomaaliya  ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii la helay Xogta gacan ku dhiiglahaan oo ku dhuumanyey qeybo ka mid ah Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

S/guuto Bishaar Abshir Geeddi Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in qofka dilka geeystay lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac, uuna dilka u geeystay Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire, waxaana uu xusay in gacan ku dhiiglaha uu kasoo baxsaday Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Magaaladda Muqdisho, hadda waxuu ku xiran yahay Xarunta C.I.D” ayuu yiri Gen. Bishaar

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa tilmaamay in laga gudbay Waqtigii Dambiile dambi kasoo galay Gobolada dalka uu ku dhuunto dalka gudahiisa.

“Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto, waxaan idin sheegayaa 15 Bishii July inuu dilka geeystay Gacan ku dhiiglahaan, waxaana qabanay 28-ka July” ayuu mar kale yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.