Nigeria: Magaalo laga qabsaday Boko Haram oo laga helay meydadka 70 ruux * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nigeria: Magaalo laga qabsaday Boko Haram oo laga helay meydadka 70 ruux

Ugu yaraan maydadka 70 qof ayaa laga helay duleedka magaalada Damasak ee waqooyi bari Nigeria oo dhawaan laga qabsaday kooxda Boko Xaraam.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maydadka ay u muuqdaan in kol hore la dilay. Qaarkood qoorta ayaa laga jaray, ugu yaraan mid kamid ahna jirkiisa cad-cad ayaa loo jarjaray.

Magaaladan Damasak, oo u dhaw xadka uu dalkaasi la wadagaao Niger waxa ay gacanta ugu jirtay kooxda Boko Xaraam tan iyo bishii November.

Balse ciidamo ka socdo Niger iyo Chad ayaa kooxda ka saaray magaaldaasi isbuucii la soo dhaafay.

Boko Xaraam waxa ay kumanaan qof ku dishay Waqooyiga dalka Nigerai, halkaasi oo ay doonayaan in ay ku soo rogaan shareecada Islaamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.