Nigeria: Madaxweyne Buhari oo raba dabargoynta Boko Haram

Read Time:1 Minute, 31 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dhowaatan la doortay ee dalka Nigeria, Jen. Maxamadu Buhari oo kasoo jeeda Qowmiyadda Muslimka ee dalkaas, ayaa sheegaya in xoogagiisu ay billaabeen dabargoynta muqaawamada Boko Haram oo ah Jabhada Islaami ah oo ka dagaallanta Woqooyiga Nigeria.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria, Maxamadu Buhari oo hadlay intuu ku sugnaa dalka Niger ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dalkaasi ay billaabeen dagaal iyo olole ka dhan ah Boko Haram, kaas oo lagu soo afjarayo muqaawameynta kooxda.

Madaxweyne Buhari ayaa Xilka waxaa loo dhaariyay jimcihii la soo dhaafay, wuxuuna safarkii ugu horeeyay ku tagayaa dalkalka deriska la ah dalkaasi eek a qeybgalaya dagaalka ka dhanka ah Boko Haram.

Dalalka Niger, Chad iyo Cameroon ayaa waxa ay ka qeybgalayaan dagaalka lagu doonayo in Boko haram lagu soo afjaro. Nigeria waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii gobolada waqooyiga Bari ee dalkaasi looga sifeyn lahaa Boko Haraam.

Olole ka dhan ah Boko Haram ayey Nigeria wadaa

Dhanka kale, ciidamada dalka Nigeria waxa ay si cara leh uga jawaabeen warbixinta hay’adda Amnesty international ee ciidamada dalkaasi ku eedeysay inay masuul ka ahaayeen geerida kumannaan dhallinyaro ah oo lagu xiray xabsiyo.

Kumannaan dhallinyaro ah ayey hay’adda tilmaamtay in ay ku dhinteen xabsiyo ciuidamada ay leeyihii. warbixinta oo xustay in 7 kun oo dhallinyaro ay la dilay.

Arrintan ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in ciidamada dalkaasi ay gabood ffalo geysteen. Laakiin ciidamada dalkaasi ayaa arrintaasi si carol eh uga jawaabay.

Afhayeen u hadlay ciidamada dalkaasi, Chris Olukolade ayaa sheegay in militariga aysan weligood ku xad gudbin xuquuqda aadanaha aysan gaboodfalo geysan, wuxuuna amnesty ku eedeeyay inuu ololaha waji xumeyneyso.

Hase yeeshee, Solomon Sacco waa xubin sare oo ka tirsan hay’adda, waana qoraayaasha warbixinta, waxa uuna difaacayaa eedaha ay u jeediyeen ciidamada Nigeria.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %