Nigeria: Labo qarax oo dilay 118 ruux (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nigeria: Labo qarax oo dilay 118 ruux (Sawirro)

Jos – Mareeg.com: Labo qarax oo ka dhacay magaalada Jos ee bartamaha dalka Nigeria ayaa dilaa 118 qof, sida ay sheegtay hay’adda masiibooyinka qaranka dalkaas.

jose 0

Qaraxa hore ayaa ka dhacay suuq aad looga dukaameysanayey, halka qaraxa labaad oo ka dhacay meel ku dhow Isbitaal, xilli la daad gureynayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii hore.

Ma jirto cid weli sheegatay qaraxyadaas, hase ahaatee kooxda Boko Haram ayaa dalka Nigeria ka fulisay weerarro nucaan ah.

jos_1

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaari lasoo miineeyey, waxeyna dhulka ku dareen oo burburriyeen dhismayaal dhowr ah. Ujeedadu sida muuqata waxa ay ahayd intii suuragal ah in la dilo dad aad u badan. Hilibkii iyo xubnihii dadkii dhintay ayaa meel walba daadsan.

jos

Baqdin iyo argagax weyn ayaa ka dhashay goobta, iyadoo gargaar degdega ah loo fidinayey dhibanayaasha.

Afhayeen u hadlay maamulka maxalliga ee magaalada ayaa sheegay in inta badan dadka ku dhintay qaraxyada ay yihiin duamr, ayna ka cabsi qabaan iney dad oo dhintay ku hoos jiraan burburka dhismayaal qaraxyadu dumiyeen.

jos_4

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan, ayaa cambaareeyay qaraxyada ka dhacay magaalada Jos, wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka argagixisada.

Hasayeeshee waxaa lagu dhaleeceeyay in uu ku guuldareystay in uu xaqiijiyo in ay dadka amaan ka helaan ololaha dabadheeraaday ee ay wado kooxda hubeysan ee Boko Haram.

jose

Magaalada Jose ee ay ka dhaceen qaraxyada lagu hoobtay ayaa waxaa horay uga dhacay iska horimaadyo u dhaxeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka dalka Nigeria ku wada nool.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!