Nigeria: Boko Harama oo soo dirtay cajal muujinaya gabadhihii ay afduubtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nigeria: Boko Harama oo soo dirtay cajal muujinaya gabadhihii ay afduubtay

Mareeg.com: Cajal cusub oo muuqaal ah oo ay saartay jabhadda Boko Haram ee la dagaallanta dowladda Nigeria ayaa muujinaya ilaa 100 ka mid ah gabdho ay afduubteen bishii lasoo dhaafay.

Hogaamiyaha Jabhadda Boko Haram, Abubakar Shekau ayaa sheegay iney sii deyn doonaan gabdhahaas haddii dowladda Nigeria sii deyso maxaabiis ka tirsan Boko Haram oo ku jira xabsiyada dowladda.

Abubakar Shekau ayaa sheegay in inat badan gabdhaha oo Kiristan ahaa ay qaateen diinta Islaamka, waxaana cajalka laga so saaray iyagoo xijaaban oo dukanaya.

Boko Haram ayaa 14 April 2014 woqooyiga Nigeria waxey ka afduubtay ilaa 200, waxeyna ku hanjabeen iney iibinayaan. Lama oga halka lagu hayo gabdhaas.

Dowladda Nigeria ayaa ka dlbatay dalalla reer galbeedka iney ka caawiyaan sidii loo soo furan lahaa gabdhahaas ardayda ah ee Boko Haram afduubtay.

Boko Haram oo macnaheedu yahay “Waxbarashada reer galbeedku waa xaaraan” ayaa ka kacday dalka Nigeria sanadkii 2009, waxaase la sheegay in sanadkii 2002-dii uu aasaasay nin la oray jiray Maxamed Yusuf,

Boko Haram waxey xilligaas kadib laayeen dad aad u farabadan, iyagoo ilaa haddana dagaallo kula jira dowladda dalkaas, islamarkaana geystay qaraxyo fabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!