Nicolas Key oo soo dhaweeyay shirarka wadatashiga ah ee ka furmay Gobollada dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nicolas Key oo soo dhaweeyay shirarka wadatashiga ah ee ka furmay Gobollada dalka

Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicolas Key ayaa soo dhaweeyay shirarka wadatashiga ah ka furmay Maamul Goboleedyada dalka.

Ambassador Key ayaa ku tilmaamay shirarkaas tallaabo horay loo qaaday isagoo ku sii booriyay dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka in ay dhammaan umadda Soomaaliyeed qeybaheeda ka qeyb galiyaan wadatashiyada.

“ waa wax lagu farxo in Soomaalida geed hoostiisa ay wax iskula gorfeynayaan, ka soo qeyb galiya  shirarka Odyaasha, Haweenka, dhalinyarada , dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa Curyaamiinta ah ee aan lixaadkooda dhameystirneen” ayuu yiri Nicolas Key.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa inta badan Magaalooyinka dalka Soomaaliya ka dhacayay shirar wadatashi ah oo dadku ku dhiibanayaan ra’yigooda ku saabsan nuuca doorasho ee 2016 ka dhici karta dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!