Nicholas Kay: Waxaan Ka Digeynaa Boobka Hantida Guud & Carqaledynta Amniga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nicholas Kay: Waxaan Ka Digeynaa Boobka Hantida Guud & Carqaledynta Amniga

Garowe, Mareeg.com: Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku taliyey in dadka Puntland taageeraan madaxweynaha cusub iyo xukuumadda uu soo dhisi doono, islamarkaana aan la boobin hantida guud.

Nicholas Kay ayaa madaxweyne Gaas ugu baaqay in inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Puntland.

“Dhammaan ciidanka iyo dadka ku nool Puntland waxaan kula talinayaa inay la shaqeeyaan maamulka cusub, waxaan ku talinayaa madaxweynaha la doortay inuu si dhaqso ah ku qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga gobolka, waana inaan la boobin hantida shacabka,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergayga UN-ka ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ka digay in la car-qaldeeyo amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo xusay inaanay shaqsiyaad gaar ah isku dayin inay xasillooni-darro ka abuuraan Puntland.

“Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Yurub waxay sii wadi doonaan kor kala socoshada xaaladaha Puntland iyo dadaallada lagu taageerayo maamulka iyo shacabka Puntland xilligan adag,” ayuu sidoo kale yiri Nicholas Kay.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa dhawaan jeediyey hadal uu ku dalbanayey inaan boob lagula kicin hantida dowladda xilliga kala guurka ah, isagoo ku amray dhamaan wasaaradaha iyo ciidamada iney ilaaliyaan hantida.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.