Qaramada Midoobay & Midowga Yurub oo ka walaacsan qalalaasaha Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay & Midowga Yurub oo ka walaacsan qalalaasaha Somaliland

Mareeg.com: Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiye xiisad siyaasadeed ee ka aloosantay Somaliland.

War saxaafadeed uu soo saaray Nicholas Kay ayaa waxaa uu ugu baaqay dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana xaalada la dejiyo.

“Somaliland waxay horumaro ka sameysay inay doorashooyin dimoqraadi ah ka dhacaan deegaanadeeda, laakiin rabshadihii dhacay waxay qatar ku yihiin doorashooyinka soo socda”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.

Nicholas Kay ayaa walaac xoogan ka muujiyay rabshadihii ka dhacay Burco oo sababay dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo xabsiga loo taxaabay.

“Waxaa ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada oo dhan, inay is xakameeyaan, xaaladana ay dejiyaan, si geeddi socodka dimoqraadiyada si buuxda loo ixtiraamo”ayuu ku yiri Nicholas Kay war saxaafadeedka ka soo baxay.

Dhanka kale, Danjiraha Yurub ee Somaliland iyo Somalia Mr Michele Cifvibed’urso, ayaa boggiisa twitter-ka ku daabacay qoraal uu walaac kaga muujinayo arimaha siyaasadeed ee Somaliland “Midawga Yurub wuxuu ka walaacsanyahay Xiisadaha kor u sii kacaya ee Baarlamaanka Somaliland.waxaanu dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay isxakameeyaan oo oofiyaan ballanqaadkoodii doorashada 2015-ka” ayuu yidhi Mr Michele Cifvibed’urso

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/rxmaan Cirro ayaa sababay in la xiro 5 xildhibaan, Burcana lagu dilo haweeney, afar kalana la dhaawaco.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!