Nicholas Kay oo tegay Baydhabo lana shiray Shariif Xasan Sheekh

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga ergeyga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.

Labada dhinac ayaa qaatay kulan ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka iyo dardar-galinta howlaha hor yaalla maamulka cusub.

Shariif Xasan ayaa uga warbixiyay wafdiga Qaramada Midoobay waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay maamulkiisa, wuxuuna ka codsaday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageerto maamulkiisa, oo uu sheegay inay hor yaallaan howlo badan.

Danjire Kay ayaa ballanqaaday inay Qaramada Midoobay sii wadi doonto taageerada ay siiso maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ka jira.

Booqashada Kay uu ku tagay Baydhabo ayaa imaanaysa saddex maalmood kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed, weerarkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 qof.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245