Nicholas Kay oo soo saaray War ay Puntland u aragto gardaro la isla ogyahay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nicholas Kay oo soo saaray War ay Puntland u aragto gardaro la isla ogyahay

Ergayga-gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.

“Magacaabista Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waaa guul aad muhiim u hah (kuna qotonta) ujeedooyinkii lagu gaari lahaa Nabada iyo Qaran dhisiduba- Ujeedooyinkaas oo ku qorn barnaamijka Hiigsiga Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah. “Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah sidii Lagu dhisi lahaa Guddiga Maddax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka taas oo waafaqsan Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxaan si dhakhso leh ooga dhursugaynaa in Guddigani si dhakhso leh loo dhiso, korna loogu qaado awoodiisa waxqabad, sida dhisidda Xoghayta guddiga.”

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii gudigan loogu suurta gelin lahaa in uu howshiisa u bilaabo si dhakhso leh.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!