Nicholas Kay Oo Rajeynaya In Madaxweyne Xasan Wadatashi Buuxa Sameyn Doono Kahor Soo Xuliida Raysul Wasaare Cusub

Read Time:1 Minute, 41 Second

Muqdisho, Mareeg.com:Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka “kalsooni kala noqoshada xukuumadda”.

“Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”, ayuu yiri Nicholas Kay.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl, Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jagada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri Nicholas Kay

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadatashi buuxa ka hor intuusan soo xulin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.” Sidaa waxaa yiri Nicholas Kay

Wuxuu sidoo kale ku guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %