Baledweyne, Mareeg.com: Madaxa ergada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, Nicholas Kay ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Nicholas Kay waxaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiraan iyo ciidamada AMISOM kuso dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Nicholas Kay ayaa sheegay ujeeddada socdaalkiisa tahay mid uu ugu kuur-galayo xaaladaha waxbarasho iyo caafimaad ee magaalada Beledweyne.
Ergayaga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la yeesho mas’uuliyiinta gobolka, maamulka degmada Beledweyne, qeybaha bulshada iyo saraakiisha AMISOM.
Nicholas Kay wuxuu socdaalkaan ka hor deegaanada maamulka Puntland, isagoo halkaas kula kulmay madaxda maamulka, Isimada iyo bulshada rayidk ah.
Mareg.com