Nicholas Kay oo ka walaacsan luminta guulihii Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hormarrada xagga amniga ee ay gaartay dowladda Soomaaliya ay lumi karaan haddii beesha caalamka aysan kordhin taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu sheegay in ay hoos u dhici karaan guulaha milateri ee laga gaaray dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, haddii aysan dunidu sii wadin taageerada ay ku bixiyaan nolosha Soomaalida.

Nicholas Kay ayaa intaas ku daray in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lagu xorreeyay 10 illaa 11 magaalo oo ka tirsan Soomaaliya dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Danjire Kay ayaa xusay in haddii la xoojiyo guulaha la gaaray ay ka faa’iideysanayaan dadka ku nool gobollada la qabsaday, taasoo xoojin doonto buu yiri in dadku helaan adeegyada aas-aasiga ah sida cunno iyo dawo.

Kay ayaa ka digay in iyadoo aan la qaadin tallaabooyin horumarineed oo caqabadaha jira looga gudbayo ay markaas taas horseedeyso in dib loogu laabto wixii la soo maray.

Al-Shabaab ayuu sheegay in wali ay khatar ku tahay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Gulufkii colaadeed ee bilo ka hor ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ku qaadeen Alshabaab ayaa hakaday, waxaana Alshabaab go’doomiyeen qaar ka mid ah degmooyinkii laga saaray.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245