Nicholas Kay oo galabta ka degay Garowe iyo Afey oo kasoo horeeyey

Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa galabta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdigan oo ilaa shalay Garowe laga sugayey waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Danjire Nicholas Kay iyo wafdigiisa ayaa goob joog ka noqon doono saxiixa heshiiska hordhaca ah ee Dowlada Federaalka iyo Puntland gaareen kadib wadahadal labo maalmood socday oo is afgarad kusoo dhamaaday.

Gelinkii hore ee maanta waxaa Garowe tegay wafdi kale oo ka socdey IGAD uuna hogaaminayey ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Dhanka kale waxaa  caawa fiidkii dib ugu soo laabtay Garowe wafdigii ay horkacayeen Madaxeynaha Puntalnd Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.

Wafdigaasoo wuxuu booqasho kooban ku tegey degmada Qardho kadib markii uu casumaad halkaas ugu fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245