Nicholas Kay Oo Codsaday In Ilaalo Hubeysan UN-ku Usoo Diro Xafiiska UNSOM Ee Magaalad Muqdisho

Read Time:1 Minute, 24 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa dalbaday in ilaalo hubeysan Qaramada Midoobay usoo dirto xafiiska UN-ku leeyahay Muqdisho ee UNSOM.

Nicholas Kay ayaa 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ku wargeliyey in weli ay jirto khatar ay Al-shabaab ku hayso Muqdisho, wuxuuna dalbaday in ilaalo gaar ah oo ka socota Qaramada Midoobay loosoo diro Soomaaliya si ay u difaacaan xafiiska UNSOM ee Muqdisiho ka howlgala ee uu madaxda ka yahay.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe Alshabaab looga saarayo deegaanada ay weli ka maamulaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Nicholas Kay in qorshahaas qeyb ka yahay higsiga Soomaaliya ee ku aadan in dalka doorasho ka dhacdo sanadka 2016.

“Waxaa jira qorshe lagu doonayo in lagu weeraro deegaannada ay Alshabaab ka taliso, taasina waxay qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya lagu gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah” ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergayga oo ku sugan Muqdisho ayaa hadalkiisa ku daray in haddii qorshahan uu noqdo mid guul-darreysta ay keeni karto in Al-shabaab ay awooddeeda ku baahiso Qaaradda Afrika oo dhan.

“Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka waxaan ugu baaqayaa in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd ayna ku fulin lahayd qorshayasha u dagsan inay dalkeeda gaarsiiso,” ayuu Kay ku daray hadalkiisa.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney ka dhabeeyaan bixinta dhaqaalihii ay ku yabooheen markii uu socday shirkii Brussels, si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dalkana dib loogu dhiso.

“Beesha calaamka waxann ugu baaqayaa inay ka dhabeyso bixinta lacagtii ay ugu yahoobeen Soomaaliya intii uu socday shirkii Brussels” ayuu yiri Kay.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %