Nicholas Kay: Guulo badan ayaa laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nicholas Kay: Guulo badan ayaa laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab

Mareeg.com: Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nickolas Kay ayaa sheegay in guulo laga gaaray duqeymaha Mareykanku uu ka geystay Soomaaliya iyo weeraradii lagu qaaday Xarakada  Al-shabaab sanadkii la soo dhaafay ee 2014.

Kay oo u warramaya Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA ayaa xusay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay kaliftay in Shabaabka laga saaro ilaa dhowr iyo 20 magaalo oo ay horay gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.

Mr. Kay ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya hormar dhanka siyaasada gaartay sanadkii tagay ee 2014.

Mareykanka ayaa sanadkii tegay duqeymo dhowr ah la beegsaday saraakiisha sarsare ee Alshabaab, waxaana dadkii la dilay ka mid ahaa Amiirkii Alshabaab, Axmed Cabdi Godan (Abu Zubeyr).

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!