Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya kadib wadatashiyo uu maalmahan la lahaa Lataliyayaashiisa, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad.
Kadib Xaflad kooban oo goordhaw ka dhacday gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Digreeto uu soo saaray looga dhawaaqay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo loo Magacaabay Dr Cabdi Wali Sheekh Axmed.
Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa ah aqoonyahan ku cusub Siyaasada waxa uuna sanadihii ugu Dambeeyay ka shaqeenayay Islamik Bank Xaruntiisa Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaana Musaalkan Madaxweynuhu uu kasoo xushay tiro Musharixiin ah oo isku soo taagay qabashada Jagada R/Wasaaraha Soomaaliya, waxaana Xilkan kusoo baxay Dr. Cabdi Wali Sheekh Axmed oo la tilmaamay in uu yahay in horey usii wadi kara anaanka Dowladnimo ee cagta saartay Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheek Maxamuud ayaa maanta wuxuu ku mmagacaabay Xeer Madaxweyne LR.133 Raisul Wasaara cusub ee Soomaaliya Abdiweli Sheekh Ahmed.
Madaxweynaha Soomaaliyta Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in R/wasaaraha cusub C/weli Sheekh uu yahay shakhsi ku haboon shaqada loo dhiibay.
“Waxaan magacaabay Cabdiweli Sheekh Ahmed oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga ugu haboon shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara. Waayo aragnimo waxuu u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka oo uu hay’ado caalami ah soo hoggaamiyey” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu sidoo kale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan ayaa u mahad celiyey R/wasaarihii hore ee xilka waayey kadib markii baarlamaanku kalsoonida kala laabtay, wuxuuna yiri “Waxaan markale u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Farah Shirdon oo shaqo wanaagsan soo qabtay, una rajeynayaa guul. Maanta waa inaan labo jibaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa oo aan dhaqangelinta federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016 aan ka wada shaqeynaa.”
Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka Soomnaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda lagu magacaabay ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonida uu ku magacaabay waxaana uu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu u fududeeyo waajibaadka horyaala.
Sidoo kale, khudbaddiisa ayuu Ra’isulwasaaraha la magacaabay C/weli Sheekh Axmed Maxamed ku faah faahiyey waxyaabaha uu qorsheynayo inuu qabto marka uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka oo ay ugu horeyso dib u dhiska dalka, sii xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka iyo adkeynta amniga dalka.
Sida uu qabo dastuurka Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay waa inuu helaa kalsoonida Xildhibaannada Golaha Shacabka.