Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa sheegay in R/wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uusan la imaan wax cusub oo lagu dabaqi karo wadahadalka lagu joojinayo hubka Nuleerka Iran.
Khudbadda Netanyahu waxa ay ahayd mid buuq badan dhalisay, sababtoo ah, afhayeenka xisbiga Jamhuuriga ayaa casuumay asigoo aan ku wargelin xisbiga dimuquraadiga iyo aqalka cad.
Doorashoyiinka guud ee Israa’iil ayaa la qabandoonaa laba isbuuc kaddib, waxaana dadka dhalleeceeyay hadalka Netanyahu waxa ay sheegayaan in arrintan uu uga faa’ideysanaayo dano siyaasadeed.
Danta ugu horeyso ayaa ah inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare, tan labaadna, inuu xoojiyo taageerada Jamhuuriyiinta Mareykanka si uu u daciifiyo xiriirka taariikhiga ah ee Yahuudda ay la leeyihiin xisbiga Dimuquraadiga.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.