Nepal: Dhulgariir xoog leh oo dilay ilaa 1900 qof * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nepal: Dhulgariir xoog leh oo dilay ilaa 1900 qof

Mareeg.com: Kumanaan dad ah oo reer Nepal ah ayaa xalay dibadda ka seexday guryahooda kaddib markii uu dalkaasi ku dhuftay dhul gariir wayn oo cabirkiisu ahaa 7.8,  kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 1900 oo qof, 500 oo kalaana ay ku dhaawacmeen, isla markaasna sababay burbur baaxad wayn.

Dadka dagan magaalada Kethmandu waxa ay sheegen in ay aad uga cabsanayaan in ay ku laabtaan guryahooda iyaga oo ka baqaya in dhulgariir kale dhaco.

Dawladda Nepal waxa ay sheegtay in ay filayso in ay waxyeeladu intaas ka sii badandoonto iyada oo gurmadka dagdaga ihi ay wadaan baadhitaanada ay dad uga raadinayaan burburka dhismayaasha dumay. Cimilada oo xun oo dabaylo iyo jac wadata ayayna shaqaalaha gargaarku ka baqayaan in ay wax u dhinto gudbinta kaalmadda dagdaga ah.

Wadamo badan iyo Hay’addaha gargaarka ee caalamaiga ah ayaa kooxo u diraya Nepal si ay ula tacaalaan masiibadaasi. Wadanka Maraykanka, Shiinaha , Pakistan iyo Midawga Yurub ayaa ka mid ah wadammada ku yaboobahay kaalmada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!