Nelson Mandela Oo Maanta Lagu Aasay Tuuladii Uu Ku Dhashay Ee Gobolka Eastern Cape

Capte Town, Mareeg.com: Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Johannesburg ee dalkiisa ayaa maanta lagu aasay deegaankii uu ku dhacay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Aaska Madaxweynahii hore ee Koonfur Afrika Nelson Madela oo loogu yeero Madiba ayaa waxaa ka qaybgalay ilaa 4,000 oo qof oo isugu jiray madaxda Afrikaan ah iyo dadweyne kale caddaan iyo madow lahaa.

Ka hor inta aan la aasin Mandela waxaa la riday dhowr madfac, iyadoo maydkiisa ay galbiyeen ciidammo gaar ah oo loogu talogalay, waxaana goobta lagu aasay ha hadlay madax Afrikaan ah iyo siyaasiyiin kale oo ay isku dhaaweyeen.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ee xilligaan Jacob Zuma ayaa ka hadlay wayaabaha sida weyn reer Koonfru Afrika ugu xusuusteen hogaamiyaha geeriyooday Nalson Mandela.

“Nelson Mandela waxaad na bartay inaan xallinno khilaafadyada oo aan dalkeenna ka dhigno mid horumarsan… waxaad na bartay inaan ka samarno carada iyo aar-gudashada… waxaad na siisay rajo iyadoo aysan rajo jirin,”ayuu yiri madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile-mariam Desalegn oo hadda ah madaxweynaha ururka Midowga Afrika oo aaska ka halay ayaa sheegay in madaxda Afrika ay ka go’an tahay inay raacaan tusaalooyinkii uu ka tagay Mandela.

“Wuxuu ahaa Mandela wuxuu ahaa halyey isagoo kale aanu ka dhalan Afrika, Mar kale si aan nafeenna ugu qancinno waa inaan raacnaa cadaaladdii, sinnaanti iyo horumarkii uu gaarsiiyay dad kala dhaqan, afkaar iyo diin ah iyo sidoo kale xorriyadii inuu u horseeday Koonfur Afrika oo xor ha iyo iyo kicintiisii hooyada Afrika,” ayu yiri Rasul Wasaaraha Itoobiya Haile-mariam Desalegn.

Nin lagu magacaabo Axmed Maxamed Kathrada oo la xirnaan jiray Nelson Mandela oo isaguna hadal uu ka jeediyay aaska Nelson Mandela ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu muhiimsan ururka ANC.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa ANC hoggaamintii wadajirka ahayd ee ay u soo galeen halgankii xorriyad-doonka Koonfur Afrika, innagoo si cad ugu faanayna in Koonfur Afrika ay iska leeyihiin dhammaan dadka madowga iyo caddaanka ah ee ku nool, suuro-galnimada xorriyadda Koonfur Afrikana waxaan si weyn uga mahad-celinaynaa Madiba,” ayuu yiri Axmed Kathrada.

Sidoo kale, waxaa ka qeyngalay aaska madaxweynaha dalka Malawi, Joyce Banda, madaxweynaha dalka Tanzania Jacaya Kikuwera iyo madax kale oo caalamka ka kala socday.

Nelson Mandela oo ahaa hogaamiyihii xorriyadda iyo la dagaalanka midab kala sooca dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhashay tuulada Qunu oo maanta lagu aasay.

Mandela wuxuu dhashay sannadkii 1918-kii, isagoo xabsi ku jiray 27-sano oo ka mid ah cimrigiisa, wuxuuna xukunka dalkaas hayey intii u dhaxeysay sanadihii 1994 1999-kii, wuxuuna dhintay toddobaadkii hore isagoo 95-sano jir ah.

Mareeg.com