Johannesburg, Mareeg.com: Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ahaa ee soo maray dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa ku geeriyooday magaalada Johannesburg ee dalkaas, kadib muddoo uu xanuunsanayay.
Madaxweynaha xilligaan ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xaqiijiyey geerida Nelson Mandela oo 95 jir ahaa.
Mandela wuxuu ahaa hoggaamiyihii gobannimo-doonka Koonfur Afrika, wuxuu sidoo kale horboodayay halgankii loo galay in lala dagaallamo nidaamkii midab kala sooca ee dalkaas ka jiray.
Nelson Mandela ayaa intii uu ku jiray halganka la dagaallanka midab kala soocii lagu hayey dadka madowga ah ayaa la xiray, wuxuuna xabsi ku jiray muddo 27 ah.
Mandela ayaa dhashay sanadkii 1918, wuxuuna ku dhashay Xaafadda Mvezo ee Eastern Cape, sanadkii Sanadkii 1943 ayuu ka mid noqday Xisbiga ANC.
Sanadkii 1964 ayaa xabsi daa’in lagu xukumay sabab la xiriirta in uu ka horyimid xukunkii talada hayay, waxaana la sii daayey sanadkii 1990.
Sanadkii 1993 ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta nabadda, wuxuuna talada dalka Koonfur Afrika la wareegay sanadkii 1994, iyadoo la doortay.
Sanadkii 1999 ayuu xukunka ka degay, xilligaas wixii ka dambeeyana wuxuu ahaaa nin laga xushmeeyo dalka Koonfur Afrika iyo dalalka caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo dowlada Koonfur Africa geeridii ku timid madaxweynihii hore ee dalkasi Nelson Mandel.
War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ugu tacsiyadeynayaan shacabka iyo maamulka madaxweyne Jey Kabsuuma geeridii Mondela oo xalay ku geerityoodey cisbital ku yaala magalaada britooriya ee wadanka Konfur Africa.
Warsaxaafadeedka yaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Shieekh Maxamuud uu ku tilmaamay madaxweybihii hore ee koonfur Africa Nelson Mandela in uu ahaa nin geesi ah islamarkaan taariikhda baal dahab ah ka galay.
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo madax kale caalami ah oo sarsare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Mandela.
Mareeg.com