Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Soomaaliya oo la shaaciyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Soomaaliya oo la shaaciyey

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijooyinka imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka ee la qaaday dabayaaqadii bishii May.

Imtixaanka fasalka 12-aad ah ayaa waxaa ka qeyb galay 34,908 arday oo ku kala sugan gobolka Banaadir, iyo maamul goboleedyada Jubaland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa imtixaanka ku haray 4,646 oo arday, ama 13.3% ardaydii gashay, kuwaas oo badankood ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%.

Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, waxaana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.