Nairobi: Lix ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay xaafadda Soomaalidu degto ee Islii * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nairobi: Lix ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay xaafadda Soomaalidu degto ee Islii

Nairobi – Mareeg.com: Lix qof ayaa ku dhimatay, toban qofna way ku dhaawacantay laba qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay si weyn u deggan tahay Soomaalida.

Taliyaha booliska Kenya, Benson Kibue ayaa sheegay in askartii ugu horreysay ee tagtay goobta ay wax ka dhaceen ay xaqiijiyeen in dukaan lagu magacaabo Mzalendo oo ku yaalla aagga waddada 12-aad ee Islii ay ku arkeen meydka 6 qof.

“Waxaan heynaa khasaaro badan, balse wali ma ogin nooca qaraxa loo adeegsaday weerarka. Dad dhintay baan heynaa.’’ ayuu yiri Kibue.

Qaraxyada oo loo badinayo iney ahaayeen bambaanooyin gtacanta laga tuuro ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 18 ruux oo la geeyey Isbitaallo kala duwan, sida Kenyatta, Gurunanak iyo Mother and Child Hostpital.

Booliska oo goobta gaaray ayaa xiray aagga ay wax ka dheceen waxayna baarayaan nooca qaraxa dhacay. Warar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay labo ahaayen.

Axaddii lasoo dhaafay ayay aheyd markii booliska Kenya sheegay in qof sameynayey bam uu isaga ku qarxay, sidaasna ku geeriyooday.

Ciidamada amaanka Kenaya ayaa xaafadda Islii ka wada baaritaano dheeraad ah, iyadoo dhawaan halkaas laga qabqabtay in ka badan 500 oo Soomaali ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!