Nairobi: Gaari ku qaraxay saldhiga booliska Pangaani ee ku dhow xaafadda Islii * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nairobi: Gaari ku qaraxay saldhiga booliska Pangaani ee ku dhow xaafadda Islii

Nairobi – Mareeg.com: Qarax xalay ka dhacay saldhiga booliska Pangaani ee ku dhow xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa dila 4 ruux oo labo boolis ahaayeen.

Gaariga qarxay oo ahaa gaari laga shakiyey ayaa boolisku kazoo qabteen gudaha magaalada, waxaana loo galbiyey saldhiga booliska Pangaani, halkaasoo markii albaabka la geeyey uu ku qarxay.

Labada kale ee dhimatay ayaa ahaa labadii nin ee watay gaari qarxay, kaasoo burburay, waxaana burbur soo gaaray gaari kale oo ay boolisku wateen.

Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada ay ka shakiyeen gaariga oo ay istaajiyeen, kadibna u wade dhanka saldhiga booliska si loo hubiyo.

Gaariga ayaa lagu istaajiyay goob gawaarida lagu baaro oo u dhaw saldhiga booliska ee Pangani markii ay saacdu ahayd 08-55PM, waxana dhanka saldhiga u soo raacay gaariga labada askari ee geeriyootay.

Taliyaha ciidanka booliska ee dalka Kenya David Kimaiyo oo goobta uu qaraxu ka dhacay booqday ayaa xaqiijiyay dhimasha labada askari.

Booliska ayaa sheegay in ay hayaan oo ay su’aalo weeydiinayaan laba qof oo laga shakisanyahay, islamarkaan ay baarayaan halkii gaarigaas uu weerari rabay iyo cidda ka dambeysay arrintaas.

Qof goobjooge ah oo dukaan ku leh kasoo horjeedka saldhiga booliska Pangaani ayaa sheegay inuu arkayey gaariga iyo gaariga booliska oo wada socda, islamarkaan qaraxu uu dhacay kadib markii labada gaari istaageen albaabka saldhiga booliska Pangaani oo ah halka lagu xiro Soomaalida laga qabto xaafadda Islii.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.