Nairobi: Ciidamada ku shaqada leh walxaha qarxa oo fashiliyey labo miino oo wado la dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nairobi: Ciidamada ku shaqada leh walxaha qarxa oo fashiliyey labo miino oo wado la dhigay

Nairobi – Mareeg.com: Waxaa maanta waddo muhiim ah oo gasah xaafad Islii ee magaalada Nairobi lagu arkay labo miino, waxaana halkaas xiray ciidamada amaanka Kenya.
Ciidamada ku shaqada leh walxaha qarxa ayaa ku guuleystay iney kala daadiyaan labadaas miino oo la geliyey wadada loo yaqaanno Juja oo ku dhow xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan yihiin.
Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa weli wada qabqabashada Soomaalida ku nool xaafadda Islii, waxaana xalay ilaa maanta la xiray ilaa 400 qof oo u badan Soomaali.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah wadaad aad u taageera Alshabaab oo lagu magacaabo Sheekh Xasaan Xuseen, kaasoo la sheegay in xalay ciidamada Kenya kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Islii.
Miinooyinka la fashiliyey waxey kusoo beegmeen xilli labo maalmood ka hor ay Nairobi ay dhaceen qaraxyo ay ku dhinteen ilaa lix ruux, 20 kalana ay ku dhaawacmeen.
Shalay ayaa meel ka baxsan magaalada Mombasa lagu dilay Sheekh can ahaa, kaasoo la oran jiray Sheekh Abuubakar Shariif Axmed (Makaburi), kaasoo horay loogu eedeeyey inuu Kenya uga soo qoro Alshabaab dhallinyaro dagaallama.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!