Naftiis hure qarax ku dilay taliyihii booliska Bari iyo saraakiil kale

Read Time:1 Minute, 6 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari ayaa sheegaya in galabta ruux isi soo miidaamiyey uu qarax ku dilay taliyihii Qaybta booliska gobolkaas Col. C/raxmaan Cali Cabaas (Muslim).

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska gobolka Bari, waxaana sidoo kale qarxaas ku geeriyooday taliyihi ilaalada canshuuraadka beriga ee gobolka Bari, iyo qaar kamid ah askartii la socotey.

Ninka fuliyey falkan ayaa isagoo soconaya oo hoos ka soo xirtey Jaakada qaraxa lagu sameeyo waxaa uu iska dhigey nin salaamaya taliyaha kadibna isla markii uu u soo dhawaadeyba ayuu is qarxiyey.

Waxaa jidadaka Bosaso lagu soo daadiyey ciidamo faro badan, waxaa xiran dhamaan dhaq-dhaqaaqa magaalada, dadkuna guryahooda ayey u kala carareen.

Taliyaha la dilay ee lagu magacaabo C/raxmaan Cali Cabaas “Muslim” ayaa muddo dheer ahaa taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Bari waxaana uu ka hawlgeli jirey garoonka diyaaradaha ee Bosaso, bilo ka hor ayaa loo magacaabey taliyaha qaybta gobolka Bari.

Qaraxa nuucaan ah ayaa la sheegay inuu yahay mid ku cusub deegaanada Puntland, iyadoo halkaas ay horay uga dhaceen qaraxyo gaadiid loo adeegsaday ama kuwa dhulka la geliyo.

Ma jirto cid weli sheegatay qaraxa lagu dilay taliyaashaas iyo askarta la socotay, hase ahaatee waxaa maamulka Puntland dagaal kula jira ururka Alshabaab qeybtiisa Puntland ee ku jira buuraleyda Galgala.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %