Naceybka Muslimiinta oo kusoo badanaya Yurub

Mareeg.com: Naceybka Muslimiinta ayaa kusoo badanaya qaaradda Yurub, halkaas sanad kasta ay garaan kumanaan Muslimiin Muhaajiriin ah.

Kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay dalka Jarmalka, iyaga oo qaarna ay taageersan yihiin, kuwana ay kasoo horjeedaan waxa ay ugu yereen Islaamka ku faafaya qaarada Yurub.

Magaalada Cologne ayaa waxaa la joojiyay dibad bax looga soo horjeedo Muslimiinta, kaddib markii uu maamulka magaaladaasi si xooggan u diiday.

Balse magaalada ku taalla bariga Jarmalka ee Dresden ayaa waxaa isugu soo baxay 18 kun oo qof kuwaasi oo sameeyay dibad bax ka dhan ah Islaamka. Dibad baxan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee Islaamka looga horjeedo oo Jarmalka ka dhaca.

Labo todobaad ka hor ayay hayed markii dad Kiristaan mayarl adag ay dab qabadsiiyeen labo Masjid oo ku yaalla dalka Sweden.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245