Nabadsugidda oo Bakaaraha ku qabatay gaari xamuul ah oo hub siday
Mareeg.com: Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa maanta Suuqa Bakaaraha kusoo bandhigtay gaari xamuul iyo hub uu siday.
Nabad Sugidda ayaa sheegtay in gaarigu kusoo jeeday gobollada Konfureed ee Soomaaliya, islamarkaana hubkaas loo weday Alshabaab.
Ciidamada Nabad Suggida, ayaa waxay gacanta ku dhigeen milkiilihii gaariga iska lahaa iyo rag kale oo soo abaabulay.
Wadihii gaariga oo baxsaday ayaa nabadsugiddu sheegtay iney ku raadjoogto, halka lala wraeegay hubka iyo gaarigii siday.
Nabad Suggida, ayaa waxay Magaalada Muqdisho ka wadaa hawlgalo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab.
Dhanka kale, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo Sirdoonka C/raxmaan Tuuryare ayaa maanta oo axad ah wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen hub casri ah oo Shabaab ay isticmaali jireen.
Tuuryare oo la hadlay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in BVastoolado ay ciidanka gacanta kusoo dhigeen noocooda ay ahaayeen kuwa aan la maqleyn, xilliyada dilalka lagu fulinaayo, wuxuuna sheegay in Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay baartay arintaasi.
Mr Tuuryare ayaa wuxuu sheegay in Nabadsugida Soomaaliya ay soo ogaatay dalka laga soo dhiibay biskooladaha noocaasi ah, wuxuuna sheegay inay la xiriireen oo baaritaan ay ku hayaan arintaasi.
Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay burburisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.
“Labada shabakadood ee la bur buriyay waxaa ka howlgeli jirtay 11 qof, oo sideed ka mid ah gacanta lagu hayo, halka saddexda kale ay baxsadeen oo ay ka carareen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliye Tuuryare.
Mareeg Media
Comments are closed.