Mareeg.com: Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Muqdisho waxa ay ku soo qabteen hub iyo saanad ciidan oo si sharci darro ah loogu heystay guri ku yaala xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.
Howlgalkan oo ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay baro mucayin ah ayaa ciidamadu ku soo qabteen hub iyo saanad ciidan oo ay ka soo saareen guri ku yaala xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.
Saraakiisha ciidamada amaankana weli wax war ah kama aysan soo saarin hubkan iyo ciddi iska laheyd, iyadoo ciidamadu ay sidoo kale baaritaano ku sameeyeen guryo kale oo ku yaala isla xaafadaas.
Dhawaan ayay aheyd markii laamaha amaanku Muqdisho kusoo bandhigeen hub, gaadiid iyo dhalinyaro farabadan, kuwaasoo la sheegay iney ka tirsan yihiin Alshabaab.
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %