Nabadsugida Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal Shabaab ka goostay

Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigeen sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab,kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Rayaan Shiikh Nuuur ,balse  Shabaabka dhexdooda  looga yaqaano (Abuu Xamsa),waxaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Al-Shabaab Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in sarkaal kaan uu la soo xioriiray,isaga oo u adkeysan waayay dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan Al-Shabaab,sidaasi daraadeed uu kasoo baxay.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland,kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab.