Nabadoon lagu dilay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo

Read Time:33 Second

Beled-xaawo – Mareeg.com: Kooxo hubeysan ayaa xaley fiidkii degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ku dilay nabadoon caan halkaas ka ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Aadan Cabdullaahi Dheere.

Nabadoonka ayaa waxaa dilay rag ku hubeysan bastoolado, mana cadda sababta loo dilay nabadoonka iyo cidda dishay.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaao magaalada, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa arrimo nabadeen ah.

Cadoow Nuur Xasan, gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka degmada Beled-xaawo ayaa sheegay in nabadoonka ay dileen ilaa saddex ruux, wuxuuna sheegay iney falkaas baarayaan.

Degmada Beled-xaawo oo dhacda xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah degmo inta abdan degan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %