Nabadoon lagu diley Walanweyn meydkiisana la qaatey

Read Time:38 Second

Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Nabadoon Caanka ahaa degmadaas iyo deegaannada hoostaga.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in Nabadoonka oo lagu Magacaabi jirey Axmed Xuseen loogu tegay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Walanweyn lagu diley.

Dilka ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay geysteen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee uu Mareykanka tababarey,kuwaas oo ka yimid dhinaca Balli-doogle,isla markaana meydkiisa ay qaateen,waxaana weli la cadeyn sababta loo diley.

Dadka ku nool degmada Walanweyn ayaa aad uga naxey dilka Nabadoonka,waxaana wararku sheegayaan in saacadaha soo socda ay qaar kamid ah Odayaasha degmada ay aadi donaan dhinaca Xerada Balkli-doogle,iyaga oo dalbanaya in la siiyo meydka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %