Nabadoon lagu dilay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan
Mareeg.com: Koox dabley ah ayaa xaafadda howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay Allaha u naxariistee nabaddoon lagu magacaabi jiray Xasan Daahiye Uulow.
Maxamed Diiriye Ciyoow oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dilka nabadoonka oo dhacay xalay. Maleeshiyada weerarka geysatay ayaa baxsatay, lamana oga sababta ka dambeysay dilka.
Sargaal ka tirsan ciidanka booliska ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan baaritaan la xiriira dilka, isagoo xusay inay gacanta kusoo dhigi doonaan kuwa amni darrida ka geysanaya magaalada.
Dilka nabadoonka ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Beledweyne ku qulqulayaan siyaasiyiin iyo ergooyin ka qeybgelaya shir nabadeed oo la filayo in halkaas lagu qabto.
Mareeg Media
Comments are closed.