Mareeg Media
Somalia

Nabadoon lagu dilay Kismaayo & Axmed Madoobe oo lagu eedeeyey

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay Nabadoonka oo lagu Magacabi jiray Axmed Buulle Ibraahim ay ku dileen Xaafada Via-Afmadow ee Kismaayo,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa uu can ka ahaa guud ahaan deegaannada Jubbaland,waxaana la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee dhaliilsan Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha  Golaha Shacabka ayaa dilka nabadoonka waxaa uu ku eedeeyey inay ka dambeeyaan xubno kamid ah Maamulka Jubbaland.

Sigaar ah waxa uu ugu eedeeyey Axmed Madoobe oo uu sheegay in uu horay u dilay dad badan oo kasoo horjeeday siyaasadiisa,isaga oo sheegay in dadka dilay nabadoonka ay yihiin kuwa la yaqaano cadaaladana la horkeeni doono.

Waxaa uu sheegay in Nabadoon Axmed Buulle Ibraahim uusan xilligaan ku jirin wax siyaasad ah balse loo dilay arrimo la xiriira in uu kasoo horjeeday Maamulka Jubbaland,waxana uu ugu baaqay Axmed Madoobe in uu joojiyo dhibaatada uu ku haayo Shacabka Kismaayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!